VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Xad dhaafbaan kuu rabaa Lyrics

adaa xiisaha bilaabay
adaa xubi iigu baaqay
adaa misna xeerin waayay
xidhiidhkii dhexdeena yaalay

jacaylkii adaan xurmaynin
samaha ku badalay xumaanta
adaa mahwigiyo jacaylka
dhanaha xarafta ah ka doortay

wixii aan xariir ku saaray
hadaan raadayn xiskaagii
xasuus kaga waayay maanka
xajiintu intaa i gaadhay
xaskiyo dhibtu ha ii ahaato

maxaan murti kicisay xaada
ka soo xulay maanka tuujay
xabiibada beenta caashaq
xaqiiq runa kaaga qaatay

haduu mudo badn xagayga
xad dhaaf ku ahaa jacaylku
ka xalay qalbigiyo kashaydoo
xoreeyoo naftaydii baantay


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --