VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Astaamaha guusha - Lyrics

Ishaartay dhigeed ka astaystay Hablihii kale aayar ilaawey Abuurnay jacaylka abqaalney Is aaminka ruuxda adkeynay 2× Markaan is aroosnay ahaatey Ahaatey ahaatey Markaan aqal taagnay islaama Islaama islaama Ayaantaan ku beegnay ayaansan Dharaartaan abaarnay aroorsan 2× Kolkaan is agjoogno bal eega Quluub isku uursan bal eega Indhaha farxadooda bal eega Alaylahee caashaqan eega 2× Kolkaan is agjoogno bal eega Quluub isku uursan bal eega Indhaha farxadooda bal eega Alaylahee caashaqan eega 2× Awgii kalgacaylka u oynay Awooda jacaylka astaynay Astaamaha guushu is muujee Dadkiyo ehelkeenu amaanee 2× Ilays noloshayda iftiinshay Iftiinshay iftiinshay Sidii ubax weeye udgoonka Udgoonka udgoonka Allaa iigu deeqay edebsan Asluub Dhaqan fiican akhlaaqsan 2× Kolkaan is agjoogno bal eega Quluub isku uursan bal eega Indhaha farxadooda bal eega Alaylahee caashaqan eega 2× Kolkaan is agjoogno bal eega Quluub isku uursan bal eega Indhaha farxadooda bal eega Alaylahee caashaqan eega 2×
Queue is empty
-- / --