VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daruuf jacayl - Lyrics

jujuub maaha caashaqu ama filin la jilayoo hadba la isu jiibshee hadii aan jacayl dhabi qalbigayga ku jirin dhibka aad la jaartiyo jabka adiga kugu dhacay kuuma soo jilcaayee kaa jeestay aniguye jamo ruux kaleetoo la jalbeebo caashaqa dhibka waan la jaaroo jeedaalo beeniyo xubi aan qalbiga jirin kun horaa u joogoo marka aad la jaartay jidka kaaga tagayaan ku jikaari maayoo jaale kuma dhibaaye jamashada hortaadii waan soo jibaaxoo anba jeexa waan xulay hayeeshee jidiinkiyo maan daynin jiifkee ayinkastood jamaal qurux jawharad u eegtahay ama jaaha nuurka le dadku moodo jawhar qalbi kaa janjeedhaa kuuma soo jeesta jeedaalo dumariyo waan joojay xiisihii jacaylkiina waan xidhay
Queue is empty
-- / --