VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Farxiya - Lyrics

Qorax soo bidhantiyo Qaali weye dahabiya Qor qornaanta oogada Qureesh weeye lobogay X2 Waa qof qaaliyoo shidan Waa qiimo ley dumar Midaan u qar waayiyo Waa dhal qiimo loo Hufan X2 Qunyari goortay qosol Damacdaa dareen qul Qulaa oo qudhayda Jiidhkiyo qalbigay Hantidee farxiya X2 Qurux ruux ugaariyo Waa qalanjo igu dheer Qudhaydaa xusaysoo Waa qaayo badan xula X2 Adaan kugu qancaayoo Kuu qorsheeyay noloshe Ila qabo dhan kaagoo Dhab u quudi caashaqa X2 Qunyari goortay qosol Damacdaa dareen qul Qulaa oo qudhayda Jiidhkiyo qalbigay Hantidee farxiya X2
Queue is empty
-- / --