VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalanjada haween - Lyrics

Qalanjadan haween indhihii qabtee Qooraansadaa u qushuucayoo Qacdi aan arkay kasha qaadatoo Marka aan qureysh quun u fiiriyaba Qalbigay farxadi i qaboojisaa Qalanjadan haween indhihii qabtee Qooraansadaa u qushuucayoo Qacdi aan arkay kasha qaadatoo Marka aan qureysh quun u fiiriyaba Qalbigay farxadi i qaboojisaa Qoraxdii dhacdee nuurka qeybisiyo Qamarkaa dhashay ka qurxoontahoo Qeybaha dhulkiyo shanta qaaradood Cid u qalantabaan uur qaadinoo Qaryad bay u tahay qeyrkeed hablaha Qoraxdii dhacdee nuurka qeybisiyo Qamarkaa dhashay ka qurxoontahoo Qeybaha dhulkiyo shanta qaaradood Cid u qalantabaan uur qaadinoo Qaryad bay u tahay qeyrkeed hablaha Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo Rajadaan qabee qabee qabee In kastoy qardhaas la ii soo qoray Culimadu qur,aan i qulaamiyeen Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha Lama qarin karee anigay qudhiyo Qarawgiyo riyada ila qeybsataa Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo Rajadaan qabee qabee qabee In kastoy qardhaas la ii soo qoray Culimadu qur,aan i qulaamiyeen Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha Lama qarin karee anigay qudhiyo Qarawgiyo riyada ila qeybsataa Qoortiyo gacmaha la qiyaasayee Qaab iyo hanaan dhabadeeda qaad Laagu qoofaley kashu qaayibtoo Qawlkay dhahdiyo quudbuu noqdaa Qosolkey kalgacal igu qaabishaa Qoortiyo gacmaha la qiyaasayee Qaab iyo hanaan dhabadeeda qaad Laagu qoofaley kashu qaayibtoo Qawlkay dhahdiyo quudbuu noqdaa Qosolkey kalgacal igu qaabishaa Waana qaaliyoo qumantaan jecalahay Rabi qaadiraa qoobkeeda rays Qulqul iyo xareed ku qumaatiyoo Qolqolkey martiyo qoyskeedu waa Qormadii ifkiyo qasrigii jannada Waana qaaliyoo qumantaan jecalahay Rabi qaadiraa qoobkeeda rays Qulqul iyo xareed ku qumaatiyoo Qolqolkey martiyo qoyskeedu waa Qormadii ifkiyo qasrigii jannada Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo Rajadaan qabee qabee qabee In kastoy qardhaas la ii soo qoray Culimadu qur,aan i qulaamiyeen Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha Lama qarin karee anigay qudhiyo Qarawgiyo riyada ila qeybsataa Calafkuna ma qubo ma qubo ma qubo Rajadaan qabee qabee qabee In kastoy qardhaas la ii soo qoray Culimadu qur,aan i qulaamiyeen Qof ku weyn haduu u qotamo wadnaha Lama qarin karee anigay qudhiyo Qarawgiyo riyada ila qeybsataa
Queue is empty
-- / --