Ii ogow inaad tahay badhkaygii Ii ogow
Ii adkee nafta kugu amaanee ii adkee
Waa aniga awgaa qofka u nool
Waa aniga dhaar ku maray
Inaan kuu dhintaabaan dhaar ku maray

Sow ma tihid indhahayga nuurkoo Sow ma tihid
Inta aad dad dheerahay sow ma tihid
Sow ma tihid astaantii naftaydoow sow ma tihid
Anigaba dhamaantay sow ma tihid

Soo dhawoow anigaad I leedahee soo dhawoow
Ila abqaal ubixii jacaylkana ila abqaal
Hoo gudoon unugyada naftaydoo hoo gudoon
Hoo gudoon wadne oon dartaa qaba dartaa hoo gudoon

Exit mobile version