Heesta Shabeel - Lyrics
Shabeel lama dhirbaaxo
Libaax lama dhufaane
Inta geesi dhibayoo
Marba dhowrsan doonta
Walow dabino loo dhigo
Oo dhawaac loo suro
Dharaaruhu ma wiiqan
Ruuxa daacad dheefsada
Dhalantii ka beeriyo
Udub dhexaad ku goora
Dhaar bil isma gaadhe
Run markaad ku dhaqantaad
Rajo kuu dhabowdaa
Raxba kama hadaajiyane
Dhuubada ka samiryii
Wala dhabar adayga
Dhibaatada aduunyada
Dharaar cidi joogiyo
Dhibka lur ha marinine
Wax soo gara cadawga
Marbaa loogu dhaashtaa
Waxkasto dhalaala
Hadba dheeman maahe
Dhagax ha u malayn dahab