Heesta Taageero hadaan ka waayo - Lyrics
tabtuu ii helay jacaylku
hadaan tabiyoon tilmaamo
taariikhdana aan ku sheego
waxaan noqon laa tusaale
taaaliyo loo dhigo xasuuso
hadii cilmi tiisa gaadhay
anoon nooloon tasoobin
markaan socotoo limaado
talaabada waan qaldaa
anoon toos iyo dhib qabin
naftaan kaligeed tusmaytay
taageero hadaan ka waayay
taladu anigay i jirtaaye
tawaawacii waan dhamaystee
miyay maqli tooyashadayda
markaan kuu tolmeen ku taamay
markaan ku tashaday qudheeda
tisqaad kalgacayl tanaada
waxay tusmadii naftayda
ahayd tiir nolosha kaaba