VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tintaada - Lyrics

Hadii tiro xuural cayna La soo wada tugo hortaada Hadaanad tanaasulaynin Tartanka quruxdee aduun ka Tintaada ma gaadhayaane Ahow tusmadii jacaylka Tintaada ma gaadhayaane Ahow tusmadii jacaylka 2x Tiriig iyo Nuur bidhaama Hadii iyada lagu tilmaamo Waxey tabiyeen ilaysbaa Hadaa tamartooda liida Waxey tabiyeen ilaysbaa Hadaa tamartooda liida Ii kaliyeey xamo shidaa Ii kaliyeey xamo shidaa 2x Adaan tusaale buuxa Ma Yusur ku ahoo tisqaadka Bilicda kaaga wada tilmaaman Adaanan turxaan lahayn Ha mudanta usiiya xanuunbaa Adaanan turxaan lahayne Ha mudanta usiiya ha mudan Ha mudanta usiiya ha mudan Ha mudanta usiiya xanuunbaa 2x Tigaada dhulkeena taala Cirkiyoo roobka ku tiixa Biyaha tifiqlee xareedu Ku dii dhisakoy maraysaa Toolmoonida daymadooda Tabtooda adaa dhalaalla Toolmoonida daymadooda Tabtooda adaa dhalaalla 2x Tusaaliyo muuq miyay Indhuhu ruux kale tabaan Talaabo wanaagsaneey Adaan kugu taamayoo Talaabo wanaagsaneey Adaan kugu taamayoo Naftaad ku talaalantaye Naftaad ku talaalantaye 2x Adaan tusaale buuxa Ma Yusur ku ahoo tisqaadka Bilicda kaaga wada tilmaaman Adaanan turxaan lahayn Ha mudanta usiiya xanuunbaa Adaanan turxaan lahayne Ha mudanta usiiya ha mudan Ha mudanta usiiya ha mudan Ha mudanta usiiya xanuunbaa 2x
Queue is empty
-- / --