Inta la igu wiirsan
Ee waali la ii badin
Ama uu wadku idil
Wax ma ii tareesaa

Aa walwalaayoo Waayadan
waa la igu weenyahayee

Wax kaleba maaahee
Jaceyl baa iwareemoo
Ma iswaheshanaayo
Ma wada jirnaa?

Walwal iyo walaacbaa
Igu waabariistee
Hadii aan kuwaayana
Wanaag sheegan maayee

Aa walwalaayoo Waayadan
waa la igu weenyahayee

Wax kaleba maaahee
Jaceyl baa iwareemoo
Ma iswaheshanaayo
Ma wada jirnaa?

Exit mobile version