kuma dilinee hay dudin
hadabcinee bal soo durug
dawadaan ubaahdoow
kudul imidee ideeq

dabka iyo suxuntiyoo
la aantaa dab xiisiyoo
indhu daynba maayaan
ubaxa iyo doogee

dad ku daawanaayan
damaashadka ciidaha
dhaguhu digriyaayan
laga hoos dusaayee

waanku doortee ha idiidin
kuma daginee ha ihiifin
kala diinna ma ihinee

damiirkaagu waxa jira
qofna dirad uma qaboo
lagu daawan karayee
dibnahaa la raacaa

dabuubtii kayeedhee
qofku wuxuu kudoodaa
maduntaa abuurbaa
dadka inaad xumaysee

sodingan idiirtee
idiilee iduubtee
ducaan kugu salaamee
waa maxay dabeecadanii

Exit mobile version