hurdo kama bogtoo
birkinbaan ku tiirshaa
boga iyo calooshoo
intan aan u seexdaaba
barbarada ma qaadnaaye
dhiigoo bur burayoo
dhinacyadu ibarareen
waagu iibariiyee
bogii jacalku wuxuu ibaday
ayan iga bayne
intii aan bad qabayee
hawshiisu igu badan
haba baran lahaaya
ha u bixin lahaayaa
imikoon bastay ahay
baroor miyaa wax iiqaban
bogsan maayo oo bilicdiyo
nasiibkey cidna u baxsan waaye
cad ceeda bidhaanta
ila baafin weydee
bil walida bishii baad
igu sii balamisoo
badal iigu dhibtee
bari iyo maanta
baxnaandeeda
naftaan been usheegaa

Exit mobile version