VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhul aan ceel lahyn - Lyrics

Khadro daahir: Dhul aan ceel lahyn baan Dhaankii u rarayaa Adna dhool guyaad iyo Dhibicdii ma hayside Dhacar baad ku nooshahay Dhankaan anigu kaa xigo Dharka la ma yaqaannee Dhuub baannu xirannaa Adna dhogorta xoolaha Malaha waad ka dhigataa Buuraha dhexdoodiyo Dhagax baan ku seexdaa Adna wax i ma dhaantide Dhulka hoos u qodan iyo Dhufays baad u hoyataa Dhulkaan kala fogaadiyo Labadeenna kala dheer Yay isu soo dhaweeya? Saado Ali warsame: Kolkaad adigu dhimataa Naftu iga dhaqaaqdaa Kolkaad adigu dheregtaa Dhibaatadu i daysaa Dheehaaga wacan baan Aniguna ku dhaashtaa Dhaxalkii aad reebtaa Dhitadaydu noqotaa Markaan soo dhawaadana Waad iga dhaqaaqdaa Anna ku ma dhagaystee Dhegahaan kaa furaystaa Dhaandhaan haddaan ahay Adna dhoohanaad tahay Dhulkaan kala fogaadiyo Labadeenna kala dheer Yay isu soo dhaweeya? Wadajir Kool haddaan dhuuxiyo Dhiiggii ka siman nahay Midabkiyo dhawaaqiyo Diintiyo dhalashada Iyo dhaqan-wadaag nahay Dhudhunkaad i goysaa Waa dhantaalan-kaagee Labadeennu dhuun iyo Dhogor baan ka dhigannee Dhidibkaynnu taagniyo Dhismihii adkaan jiray Inaan kala dhantaalnaa Dheg-xumiyo yaab iyo Talo dhacantay weeyee Dhaxdin baan wadaagnee Aayaha dhasheenniyo Midnimada ma dhawrnaa?
Queue is empty
-- / --