VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Anigu adigaan ku jeclahay - Lyrics

ma ogtahay inbadnabadanbaan kaa aamusnaayoo afka kaala baqayee ma ogtahay indhaha iyo uurkuba daraadaa inay kuu ilmeeyaan kalgacayl la ooyaan ugub kula midaan ahee sidan aabahaa dilayeey ooda ha iga roganine umalka iga daa ajo kaama dhoobayn igaadh kaama gaagixin kaamana ag tagayoo anigu adigaan ku jecelee kaalay kaalay kaalay adhaxda igu qaad ma ogtahay ayaamahan anigiyo haweenkaba arxan nama dhex yaalee ma ogtahay amaaniyo waliood abaal male ana kama sugaayee hadaad doonto ololoo waxba iima ihide edegaad i galiseene waan aarsan doonaa ilmada iga daaa ii kaalay kuma odhan ilbaxuna maaha sidan ragna lama afduubee anigu adigaan ku necebe orod orod orod aragaaga iga qari ma ogtahay ibtiladiyo arimada adiga igu beeroo ma ogtahay asaag iyo inaan aynigaagaba aawadaa u diidoon kaa eegto dunidaba sida geed cadaahiya ama jeerta awdalane ha isu kay afuufine umalka iga daa ma ogtahay afeefiyo in adkaysi wacanyoo aan ku odhan lahaa joog ma ogtahay ul dhabiyiyo hadaad noqon lahayd udub kuma eegi karayee iska kay ilowoo waxba ima ihide ubatee jacaylkoo meelahaa ka ooy ooy ilmada iga daa
Queue is empty
-- / --