Heesta Cudurka Kagala Fardaha - Lyrics
Cudurka kaa gala fardaha
Hadii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayoo
Anoon weli kuu gad bixin
Geed dheer bay saaran tahay
God dhaba iyo gowraciyo
Hangoorino xaalkan tagay
Gartana aan kala lahayn
Ayaan gogol kula hurdaa
Gantaashana waan qabaa
Martina Guullaan u ahay
Qof go’ay iyo roob galbeed
Midkoodna haduu galbado
Gadaal uma soo noqdee
Go’aankii hore udaayoo
Ayaamahan gaaabiskaa
Horaadkaan godol lahaa
Haday iga gaagaxsheen
Iyana waxaan kaga gudbaa
Gobeey liicoo ha jabin
Gantaashana waan qabaa
Martina Guullaan u ahay