VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadku Hawariyeen - Lyrics

Dumarkiyo ragoo idil
haddii lay isku soo daroo
qofba dookhii meel dhigo ee
duurka iyo kaymahaa
haddii roob ku wada da'o
dusha laac ka wada maro
duunyadaad dhaqaysanaa
neefba doobi loo culayey
ruux jacayl damqaayana
maal laguma dagi karo
dadkoo dhami ha weriyeen

Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO

Dumarkaba dhamaantood
dadku waxay u haystaan
inay duunyo raadshaan e
haddii daaro fooq liyoo
dukaamaad la ii dhigo
kuma dawoobo caashaquyee
anna dihashadaydii
damac duunyo ima galinay
jacayl baa daashaday
inkastoo la doodee
dadkoo dhami ha weriyeen

Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO

Queue is empty
-- / --