VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dawada caashaqa - Lyrics

Awoy Maalinbaa La Yidhi
Cadoy Gudcur Baa La Yidhi
Cidloy Wehel Baa La Yidhi
Amaanadu Waa Culeys
Cirka Iyo Dhulku Diidayoo
Carona Waxa La Yidhi Mugeed

Dawada Cashaqan I Heley
Cidkale Loo Doonimaayo
Cilmiga Ha Laguu Dhigee
Caqliga Kaasho Baaa La Yidhi

Repeat-1

Cod Iyo Jiib Baa La Yidhi
Jaan Iyo Cidhib Baa La Yidhi
Cayaar Sacab Baa La Yidhi

Cod Iyo Jiib Baa La Yidhi
Cad Iyo Jiidh Baa La Yidhi
Ciyaar Sacab Baa La Ydihi
Qofuu Cudurkuu Hayoon
Hadana Kaa Cawinayn
Cad Kaa Maqan Baa La Yidhi

Dawada Cashaqan I Heley
Cidkale Loo Doonimaayo
Cilmiga Ha Laguu Dhigee
Caqliga Kaasho Baa La Yidhi

Repeat-1

Carab Ku Hadal Baa La Yidhi
Cagay Socod Baa La Yidhi
Cuntoy Dhadhan Baa La Yidhi
Dunidu Waa Caynba Cayno
Waxaad Ceebta U Taqaan
Qof Bay Camal Kiisa Tahay

Dawada Cashaqan I Heley
Cidkale Loo Doonimaayo
Cilmiga Ha Laguu Dhigee
Caqliga Kaasho Baa La Yidhi.
Waxaa Kuu Diyaariyey
C/C/M/A

Queue is empty
-- / --