dayaxii madoobaa
wakaa nuurkii soo dirayeey
duqii samada yaaliyo
xoolihiiba doogsadayee
dadkeenii tamar galayeey
way garteen dantoodiiyeey
dugsiyaa la aadaa
dalagaa la beeraa
dooxyada la jeexaa
biyahaa durdurayoo
durdurkii durdurkii
deegaankii anaa tagayeey
nolol baa dilaacdoo
dhalinyaro dadaashiyo
hogaan daacada u kacayeey

axmad guray dabkuu shidaye
ee damay la nooleeyey
laxihii is daba maray
loo daji sidoodiiyee
dadkii wuxuu gudoonsaday
daris iyo walaalnimo ey
aqoon baa la doontaa
digreeyaa la qaataa
ardaydaa damaashaad
dagalkii la joogtee
dagalkii dagalkii
warkii doorkan ii yimideey
runtii waan ku diirsadoo
farxad baan dareemaayee
inakeen dalxiisnee

Exit mobile version