VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhoolaha qosol - Lyrics

Salax Qaasim Maxaan kaa dhursugayoon Inaan dhaayaha ku saaroon Ku dheehdo doonay Maxaan kuu dhabar adaygoon Habeenimo kugu dhadhabayoon Dhuuntiyo laabtaan kaa dhaqaaray Hadaad dhinacayga joogtoon Jacaylka la dhuuman maayee Wadnaha aan kugu dhaweeyo Dhulkii kuu quudhi maayee Cirkana kuma dhigi karaayee Ayaa kaa dhigaa miftaax Intaan caashaqa dhitaystoon Dhanka aan kugu hayee Khadra Dahir Maxaan kaan dhuuntay Inta dhabbo kaaga leexday Shan taa dhaban qabsaday Maxaynu is dhaafnoo Xagaaga la iga dhirbaaxoon Dhinbiilo aan ku yeeshay Hadaan dhinacaaga jogoo Sidii ruuxyaroo dhalanoo Bal maad ilmo dhagac ka siisid Aniga maqashay ka dhega li'i Dhoorkuunbaa ku daali doonee Ayaa kaa dhigga quwaax Dhadhaab iyo dhagax dixeed Aan dhoolaha qosal cadeeyee Salax Qaasim Maxaan kuu dhafarayoo Dartaa dhuuniga u diidoo Dhuyaalay awgaa Maxaan dhalan dhoolayo Dharaar iyo laba boqooloon Dhanqalan kal gacayl aan la dhuubtee Hadaad dhinacayga joogtoo Jacaylka la dhuuman maayee Wadnaha aan kugu dhaweeyee Dhulkii kuu quudhi maayee Cirkana kuma dhigi karaayee Ayaa kaa dhigaa miftaax Intaan caashaqa dhitaystoo Dhanka aan kugu hayee Khadro Dahir Maxaan dhaygag yaaboon Dhiig iyo uus toona malihide Dhofoorka ku taabtay Maxaan caashaqaaga dhababoon Dhacamo waawayn u gooyoon Dhunkaal iyo dhiro u qooshay Hadaan dhinacaaga jogoon Sidii ruuxyaroo dhalaanoo Bal maad ilmo dhagac ka siisid Aniga maqashay ka dhega li'i Dhoorkuunbaa ku daali doonee Ayaa kaa dhiga quwaax Dhadhaab iyo dhagax dixeed Aan dhoolaha qosal cadeeyee.
Queue is empty
-- / --