dayaxii madoobaa waakaa nuurkii soo dirayeey
duqii samada yaaliyo xoolihiiba doogsadayeey
dadkeeniina tamar galayeey way garteen dantoodiyey
dugsiyaa la aadaa dalagaa la beeraa dooxyada la jeexaa
biyahaa dur durayoo
deegaankii anaa tagayee nololbaa dilaacdayoo
dhalin yaro daddshiyo hogaan daacadaa u kacayee
axmad guray dabkuu shiday ee damay la nooleeyee
laxahii is daba maray loo daji sidoodii
dadkii wuxuu gudoonsadaye daris iyo walaalnimo ee
aqoonbaa la doontaa dikreeya la qaataa
ardaydaa damaashaad dagalkii la joogtee
warkii doorkan ii yimidee runtii waan ku diirsadoo
farxadbaan dareemaaye inakeen dalxiisnee

Exit mobile version