VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ka joog – Kaban - Lyrics

Hadii dhagta ruux la jaro
daloolku wuu joogayaa
jaleelada geed ku yaal
midhaha laga jalamsadaa.

Jiriyo hada jooguhuba
aadmigu way is jiidhayaan
hadana laba jacayl dhexyaal
sinama uma kala jarmaan
ka joog war hooy ka joog
waxbaa jire ee ka joog
ha jiidhin caashaqa ee ka joog

Hadaad jees adag adigu tahay
dadkaa jaar nimada jecel
jidgooyada loo ma dhigo
halkuu qalbigaagu jiro

Indhaha soo jeedayoo
jidhkaa i dubaaxiyee
ileen kama jiifsan karo
jacalyku waa ba'anyahee

Ka joog war hooy ka joog
waxbaa jire ee ka joog
ha jiidhin caashaqa ee ka joog

Queue is empty
-- / --