Heesta Laqanyada jacaylka - Lyrics
laqanyada jacaylkiyo
lurka caashaq kululaa
ruuxaad lahatayoo
lugu laaday ba'anaa
waxaan hadalba ii labin
sida la iigu kaa ladhay
hadii aad lix goor noqo
i tidhaa laba iyo toban
naftan libiqsanaysee
ladanaysa yay siin
ladanaw miyaan
la'aantaa anigu
ladayaa hurdada
lab haween ku taasaday
ku laxaadso dumar yidhi
lagdayoo kuu jiifaa
ka lib doonay ba'anaa
waxaan looba iil galin
libiqsiga aan kuu qabo
lixdan goor hadaad noqo
i tidhaa laba iyo boqol