Heesta Mas’alooy - Lyrics
Danteenii murugtaybaa
Maxaadh ku dhuuqayaa
Markaan talo meel dhigaba
Maxaad u marooraysaa
Muranka horta kuugu wacanbaa
2×
Jacaylkaan maalayaa
Mid gabi anuu ku idhi
Macaankiisana dhadhami
Maxaad uga maarantaayood
Qadhaadhka u muudsataa
2×
Waxaan kaa magansadaba
Maxaad mooyi u tidhaa
Meel daran aad uga shaxdaa
2×
Manaxe iyo xaasidbaa
Dadkoodii muucsayaa
Markaan muska jiidhayaba
Maxaad meel uga gogtaa
Is moodsiiska kuugu wacan
Macnaha la is dhaafsadaa
Murtida hadal ila wadaa
Meeshaan ku idhaa ka qabo
Maxaad maadh uga dhigtaayoo
Muraadku go,ay lahaa
2×
Waxaan kaa magansadaba
Maxaad mooyi u tidhaa
Meel daran aad uga shaxdaa
2×
Jacaylkaan maalayaa
Mid gabi anuu ku idhi
Macaankiisana dhadhami
Maxaad uga maarantaayood
Qadhaadhka u muudsataa
Waxaan kaa magansadaba
Maxaad mooyi u tidhaa
Meel daran aad uga shaxdaa
Jacaylkaan maalayaa