sida dhamastu geedaha
dhirta uga saraysaa
adiguna dhamaantood
qayrkaa u dhaaftee

dhankaad igu jirtaaban
sii dhuganayaayoo
igu dhararsanaatee
dhudhumadaan ku joogiyo
dhererkiyo laxaadkana
adigaa dhantaalee

sidaad iigu dheertahay
dhaax lama ilaawee
hadaad dhimashaday rabin
aan wada dhamaynee
dhuug u yeelo waanada

dhirtu kala udgoon badan
ubax kala dhalaal badan

dhulka meesha godanbaa
biyuhu u dhaqaaqaane

dhabta iyo cayaartuna
wax isu dhiganta maahee

ula dhebi la moodyeey
dhexda madag sideedaay
qurux loo dhameeyeey

dhugmada iyo aqooontana
RABAA kuu dhameeyee

anoon dhimashadaa rabin
aan kulu dhameeyee
dhanbaal odayga gaadhsii

dhool karan hilaaciyo
dhadool lama maseeyee

dhulka waxa joogana
ma wiil kuu dhugmaa jira ee

geesi lagugu dherershana
dhab laguma qabanoo
wali hooyo may dhalin

jacaylkeenu waa dhab
waxa iiga dhiman sharaf
nasiib iigu kaa dhaca

sidaad iigu dheertahay
dhaax lama ilaawee
dhool kala hilaac badan
dhawaaqyaduna kala wacan

nimaan dheef wadaagnaa
haye inaan dhaco ma doonee

anoon kaa dhaqaaqayn
kula dhuuman maayoo

nabsi lama dhitaystee
dhamaciyo dab ololayoo
dhuxulo ha i liqsiininoo
ha iga dhigan dhurwaagii
ninkii dhayda siin jirin
dheetadiisii dooxee

qayrkaa u dhaaft

Exit mobile version