Sida lamo looshaha
dabayluhu ay lulayaan
ayaan laydha cashaqa
u la laba lagdoodaa

ka lax ii ma yeeshoo
kaa leexan waayo
waa kaa ladhkaagii
laqanyadu i haysee

lab xadeyda beerkiyo
hadanan laabta kugu qaban
noloshay ii laciiftee

sida layli geediya oo
loo raray hayaan dheer
ama liiga socodkiyo
leendada ma daayee

sida laygu weyn yahay
lurku iigu raran yahay
iso lagad jaceylkii
lakina maahee

Exit mobile version