Sida laamaloodshaha
Dabayluhu ay lulayaan
Ayaan leydha caashaqa
U lalabalagdoodaa
Kaa laxiibo yeeshoo
Kaa leexan waayoo
Wataa larkaagii
Laqanyadu I haysee
Labxadeyda beerkiyo
Hadaanan laabta
kugu qaban
Noloshay laciiftee

Sida leyli geediya
Oo loo raray hayaan dheer
Amaliiga socodkiyo
Leendada ma daayee
Sida leygu weynyahay
Lurku iigu raranyahay
Isoo leged jacaylkii
Laakiina maahee
Labxadayda beerkiyo
Hadaanan laabta
Kugu qaban
Noloshay laciiftee

Exit mobile version