Hadaad adigu xaal aad
Damacdaa xasilin yahayee
Oo xaajò diid tahayee
Tayduna xin dheeroo
Xakan laga karaa jirinee
Ku xereysan tahay welo
Xaskul laga sameeyiyo
Xadhig gaara loo heyn
Halkaad xays ka daaqdana
Hadaan xagal ka daac ahaye
Xaq ma iigu leedahay
Adigoo xigtii qubey
Kadimada xawaadka ahe
Xoor in aan ka waayaa
Wayska xaal aduun

Xidigaha haddii aad
Meel kula xereetoo
Xoogagu kugu sima ee
Oo xogla eey danteyduna
Xagal laga hayaamiyo
Iga taalo xeeliga eey
Xirgin lagaga qaadiyo
Aan xaal aduun gabaye
Halkaad xayska daaqdana
Hadaan xagal ka daac ahay
Ku celi hooriska

Xumbo maaha aadmigu
Iyo xoodh guraayee
Taariikh xil weyniyo
Haddii xaabaal galo
Xusuus waa ka reebiyo
Labaan xiiso kala helin
Mid xanaanku weyn yahay
Kan kalane xidhiidhkii
Xaleef kula ordaayoo
Xiriif iyo qas uun yahay
Xero kuma heshiisee
Uu xutubinta diidee
Waxba xeerin waayee
Cid ma kale xanteystaa
Wayska xaal aduun
Aduun

Exit mobile version