VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wariiriga wad - Lyrics

Wan la qalay sidiisaad Hilibkaygii wadhatoo Waaxyahaygaa go'anbaad Waraabaha ugu baaqdoo Wagar habar dugaagbaad Wacdayood u yeedhoo Ku wiirsaad lahaydoo Noloshaba ha waydee Anuunbuu waydkaygiyo Waqtigaygu galinoo WAYNUHU i daayee Waxba iilamaad hadhineey Waxba kuulamuu hadhineey Wabiga i sitee I walwaalayaa Xagee igu wadaa Waydiiya oo waydiiya oo Wad waa loo dhashee Wax ka daran biyuhu Miyay warinayaan Warariyo jar dheer Waadigan xargagan Ha iga weecinoo Ha iga waabine Imisaan walwaal Iyo ceel war dheer Kaga baxay wadaan Imisaan waheen Wabi soo rogmaday Igu daray bad wayn Waxna aanan noqon Adoo walax suniyo Waabay cabaa Waagu kuu baryaa Wiririgo hadii wiririgo hadii Wad lagaaga dhigo Ma ogtahay waqtiga Lama waabiyee Waaceel jiriyo Wehelbaynu nahay Wanaagaan qabana Waad ka wayraxdaa Waan ku waaniyaa Wacdigaad dhagaha waydaarisaa Wanaagbaan sidaa Jacaylbaan wadaa Anoo waafiyaad Wayd iga dhigtaa
Queue is empty
-- / --