gal gacalku waa gobee
wadnahaaga goor horee
mar haduu ka gaagaxay
oon gabawgu kugu helin
aniga kayga kamaa gudhin
mana ahaa mid guuree
geedkaa malaha weeyaan
adigiyoo garaadkaa
nasiib iyo go'aankii
siduu aniga iigalay
ama laygu guud falay
ma gamoo daraadaa
hurdo wayga guurtey
waa adigi garkaygiyoo
gundahayga haystee
marse hadaan gunuunacay
gaba danaada ha idhigin

Exit mobile version