Goor iyo gayaanlee
guba gees ka aragtee

Sida gaban la gabay baa
hadba gees ka ooyaa

Guurka waa halkisii
go’aankana adaa leh
gabagabeystay hadalkuna

soo gardaadi caasha
garta waa is guduntaa
go’aankeygu waa guur

Guga haduu soo da’oo
geeduhu cagaartaan

Dhirta miro ku yeeshaan
geesteed ka guran laheyd

Gadgadoonka hadalka
gacal waa ku guuraa
gees kama aan marin

soo gardaadi caasha
garta waa is guduntaa
go’aankeygu waa guur

Exit mobile version