Barashaadii wacnaydee
Nafta buug xusuusiyo
Baal dahaba galisee
Boholyoow kalgacaliyo
Igu beertay lahashee
Boga iyo calooshiyo
Qalbigayga lagu dhigay

Bidhaantaan ku halacsadey
Bartii aan ku kulanaa
Baadi goobayaa wali
Baadi goobayaa wali

Aniguna badbaadiyo
Waxaan baaq u dirayaa
Bulshadiyo jacaylkan
I baxnaansha leeyahay
I baxnaansha leeyahay

Durmaadiyo waxaa tahay
Naftu kay u baahneyd
Cishqi waa baneeyee
Hadii uu ibeegsaday
Iga baaji halistoo
Igu baano noloshoo
Wadnaha badhkay

Dhinac ii baneeyoo
Beerkayga ogsoonoo
Barihii jacaylkoow
Barihii jacaylkoow

Aniguna badbaadiyo
Waxaan baaq u dirayaa
Bulshadiyo jacaylkan
I baxnaansha leeyahay
I baxnaansha leeyahay

Exit mobile version