Busayl iyo xiisahaagii
Halkuu dagay soo ma baahna
Bukaaan kalgacayl bastii ah
Qofkii baday soo ma baanto

Aqyaar kala baadiyoobday
Bariirada soo ma doontoo
Meeshuu boholyoow fadhiistay
Badwaynta hadaad ku meerto
Ma baaba’o show jaceyl

Waan kuu bogay, Kuuna baaqay
Ku soo baday baahi quusan
Bilaahi calyek baxnaa

Diriiqyada dhaayahayga
.. Wiilkii ishaartay
Wadnaha baradaadu weeye
Dhinaca bidix baad ku nooshahay

Adaan ubax baar gaduudan
Inbadan kula raadinaayee
Hadaan kala baaqano Maalmo
Anoo badalkaa heleen
Macaane maxaad ubeedhay

Exit mobile version