Heesta Caawa Ft Mursal - Lyrics
ku cugtoo ku caashaqay
kuna saartay calankii
calafkuna iskeen sii
ku cise hankaygani
ku casuntay laabtuna
niyadaydu kuu culan
cad ku yaala eerkiyo
cudud aan ku raystiyo
mid i caawiyaa tahay
cadarkii daruurtaay
calcalyada gu, hooriyo
cosob iyo naqbaa tahay
gaafkiyo caruuskii
anoo caafimaad qaba
miyaan caawa joogaa
cawo dhalad inaan ahay
cindigaygu tuu rabay
miyaan caawa haystaa
cishadaanad ii iman
nafta caajis baa dila
qof cidloonayaan ahay
ruux lala caweeyoo
kula cayn ladhaayoo
cudooneey mabay dhalan
nafta ciirsigeedoow
caynaanka dhaayaha
caqligaygu kaa jecel
cidhifkayga midigeey
qalbi aad ku culustaa
xiisahaagu ciil tiray
gaafkiyo caruuskii
anoo caafimaad qaba
miyaan caawa joogaa
cawo dhalad inaana ahay
cindigaygu tuu rabay
miyaan caawa haystaa