Heesta Calanka somaliland - Lyrics
calankeena wacaniyo
tawxiid lagu carifaye
siduu yahay cadeed subax
nuurka nagu cadee
caawiyo ayaan kale
ilaahi nasiiuauban
mahad badan u celina
calan yahow wanngsani
caabidi dhamaantood
cabsi iyo xishodd
cimrigooda galisa
bishii cawri kuliliyo
cadow uurka kaa neceb
gebiyoo dhib kaa jecel
iisagaan csukanayna
abidkaa cirkaa joog
ku ciyaar hawada an
cida hoose ha u dagin
cadowga ma ciil baxo
calankeena midabada
kala cayba caynba
casaanka iyo doogaba
badhka kale cadaan yahay
cimribaa ku duugane
cashar maad ka barat
cismaad ku sugataan
casaan wuxuu tilmaama
marka caodwga maaciya
is idhaah cagaha saar
in dadkiisu caabiyo
inan laga cabsoono
ciida dhiiga loo huro
hurada shahiidaan
calafka oo cadaawuhu
waa caadadiise
abidkaa cirkaa joog
ku ciyaar hawada an
cida hoose ha u dagin
cadowga ma ciil baxo
cadaan wuxu tilmaama
nabad caano shubato
calool caafimaadiyo
samo lagu caweeyo
coolada wakeer jirin
caruurtuna garoomada
ku ciyaaran nabad
doogu waa cawiyo khayr
caradu barwaaqa
calcalyadoo xareedu
ceeryadu xarfanayaan
cagaarka iyo doogi
ceelntiyo markii baxay
guudka loo dareersho
caano laga maala
markay curatay maandeeq
soo cuganay gorofkii
abidkaa cirkaa joog
ku ciyaar hawada an
cida hoose ha u dagin
cadowga ma ciil baxo