VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daalaa dhac - Lyrics

waa dookh jacayl si yar kuu dagoo dacalada wadnaha inta uu ku dago diib iyo ka shida damaq iyo xanuun hadaanu ku dilin markuu kula darsee lahashda dareen halbawlaha u diro diiftiyo dhibtaad la daala dhacdaa waa dookh jacayl haduu kula durkoo daymada ku ladha damac uurka jira kuu diida jiif una dayso oon hadaanu ku dilin markuu kula darsee lahashda dareen halbawlaha u diro diiftiyo dhibtaad la daala dhacdaa waa dookh jacayl duuufaan ciriyo dabaylahaa side daruuraha kalgacal ku dul keenabaad la baaxaa dagtaa hadaanu ku dilin markuu kula darsee lahashda dareen halbawlaha u diro diiftiyo dhibtaad la daalaa dhacda waa dookh jacayl dabin lama filaan kuu daadiyoo durba hibashaduu doon doon ku dhiba dalad kuu sudhaa hadaanu ku dilin markuu kula darsee lahashda dareen halbawlaha u diroo diitiyo dhibtaad la daalaa dhacdaa
Queue is empty
-- / --