VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damiir yeelo ii tudha - Lyrics

Ragba kii ideeqow Dookhayga caashaqa Midkuu doortay weeyaan Naftaydaa dabiibiyo Dawadeeda tahayee Waxaan ahay daraadaa Qof jacayl ku daashaday Ka damqoo lurkaygani Waa dareen waxaan qabo Dadba waxaa kuu nugul Dhibta inaad kudaysaa Darajiyo libmaahee Damiiryeelo ii tudha Ha imoodin dumariyo Qof ku doortay inaan ahay Qalbigani kudoorbiday Inaad nolosha daristaan Ha dugsado kashaadee Waar balxilo daryeelkiyo Wax dajiya maruun Dahrigaygan kugu falan Doonistiyo jacaylkiyo Ku xaqsii dadnimadoo Ha igudilain sidii nacab Dadba ruuxa kuu nugul Dhibta inaad kudaysaa Darajiyo lib maahee Damiiryeelo iitudha Ha imoodin dumariyo Ruux kudoortay inaan ahay
Queue is empty
-- / --