dareen ka abuurmay eegmadu
markuu unkumaan ku aaminay

indhaha aragaaga taba
adaa ku abuuray ulashada

miyaan ruuxna aadmiga
ifka ku ag dhigaa adi
saw kuma ilaashado

asaagaa hablaha kacay
naftii kugu uursamayd
aaday arxan kaa sugtaa

waxaa nahay ul iyo diir
labanlosha aayaha
abid farax ku wada jira

nasab oori gobaheey
rabigay ayaan qudha
aduunyada dhib kuma bado

hadaad i ag joogto urugiyo
ogoow dhibta waan ilaawaa

iimaan suganiyo edaab
miduu ale siiyay waa adiga ee

labada arxan iyo tixgelin
ambaqaadka nolol wacan
jacayl ku asiibaan nahay

jacayl igu itaalsaday
qalbigayga saw edag
kuma yeelan hoy adag

waxaa nahay ul iyo diir
laba nolosha aayaha
abid farax ku wada jira

nasab oori gobaheey
rabigay ayaan qudha
aduunayda dhib kuma bado

Exit mobile version