VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhabaan kugu xiisay - Lyrics

markii aad iga dhaqaaqday dheeraateed iga fogaatay gogosha dhinacaa banaysay cidliyo dhaxanbaan dareemay ilmaa dhabanada i qoysay dhabaan adi kuugu xiisay xusuusbaan iga dhamaanin dhagbaa ku yaboohinaysa dhawaaqaagii tabaysaa ma dhigo dhaban jiifoo habeeno ma dheelmado aawadaaye hadmaan kugu dhaayo doogsan sidii dhaan maqan ayaamo ayaan kuu dhawrayaayoo waxay dhur sugtaa naftaydu dharaartaad ii iman lahaydee hadmaad dhayi boogahayga dawayn dhaawaca jacaylka oo aad ii soo dhawaani dhabtaada aad i saari ii dhawri sidii dhalaanka
Queue is empty
-- / --