Heesta Faqri jacayl - Lyrics
waa firi jacaylkuye ha fiilo
ha ku fido bogeeno ha faafo
tabashadu faq weeyee ha faydin
ha ku furin sirteenii fagaaraha
haka filan dhnkaygani faquuqid
aragaagu igu filan fariidoow
ragaan kuugu faanaa facaaga
farxadaydiibaad tehee ha faagan
fahan weedhahaygoo u fiirso
xiisaha fogaadee i feentay
fajac gali naftaydoo la foofi
naftan adiga kuu falan furdaami
fursad sii jacaylkana firaaqo
kuna fara adaygoo fur meel san