VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Faraha ka qaad - Lyrics

Aduunyadu waa farxade Hadaan ruux aad fahmayn Fariimaha caashaqtoo Wanaaguba kugu filnayn 2x Qalbiga furayaal bataa Fidniyo hawl kama baxoo Falaadh halis kaga dhacdiyo Faduul kama nabad galee 2x Wakhtiga aad iga fogtiyo Agtayda markaad fadhido Hadaan farqi kuu dhexayn jacaylka faraha ka qaad 2x Dharaaruhu waa fursade Hadaan loo wada faqayn Halkii samo loo filoo Xumaha loo faydanyahay 2x Aduunbaa fura xadhkaha Farsamo aqalka ugu xidha oo Furaha meeshaan ka dado Adaa fayda oo baneeya 2x Fidnada caashaqii dhalee Fudaydku u aabo yahay Intaanu feedhaha i jabin Danbaa i tidhi faraha ka qaad 2x Wakhtiga aad iga fogtiyo agtayda markaad fadhido Hadaan farqi kuu dhexayn Jacalka faraha ka qaad Fidnada caashaqii dhalee Fudaydku u aabo yahay Intaanu feedhaha i jabin Danbaa i tidhi faraha ka qaad
Queue is empty
-- / --