VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Furaha lubiga - Lyrics

Miyaan helay kuu hankaygu Sanado badan haybinaayay Miyaan helay kuu hilowga Ku beeray halkaa kashayda Halabiyo timo haldhaalay Miyaan hantaytii hawaawiyay Hamuumtiyo baahideeda Habeen ladi waayay jiifka Hadaan caawaba lagaaga Hurdada meel kula ladaayo Hadaan hanadaw ku haysto Maxaa hadahayeen tabaaya Halkaa laabtiyo bogayga Hubaal adigaa ku duugan Adaan hore kuugu dhiibo Furaha lubigiisa haysta Alaylahe way hagaagtay Alaylahee heegadiina Halkaan rabay way ku hoortay Hayaankii muu habaabin Samirkii kuma hungoobin Hadafkii aan lahaana Hubsadayoo wuu hirgalaye
Queue is empty
-- / --