gabalkoo dhaciyo
gudcueban dartaa
gaaf wareegayaa

gaaxda kuu irmaan
lama gaagaxshoo
geedishiyo midho
gunta lama jaree
miyaan goyn karaa

geesigaan xushow
guri iyo inaan
aroos wada galnan
ku go'aansanee
garabkay ahaw

anba gocashadiyo
gantaalaha cishqiga
waan la guuxaye
gabanyahow naftaa
ku gudoonsatee
gayaankaba miyaan
garashiyo caqligaba
cid ku garab dhigaa

Exit mobile version