humaagsiga dookh
hankii qalbigayga
dareenka u heelan
hibooy wajigaagan
hubaal indhahayga
hamuunta ka reeba

hadaan arkiwaayo
huqdii wadnahayga
hilbaa ka go ee

sidii ubax hoyga
hareer kaga beeran
hortayda ka muuqo
habeen iyo maalin

hafeefta jacaylka
halbawlaha dhiiga
rajada ku habaaya
haldhaa biliceeda
hoobaanta bislaatay
hubqaadkiyo muuqa

Exit mobile version