VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Harkayga lagu gamaa - Lyrics

laamaha geed sare ku yaal hadii midba gees u baxo gantada u aroorsaniyo guntay ka midaysanyihiin gacmaha nacabiyo gudmana ma wada gooyaan dhirtoo galoolbaan ahay nasaba gobaan ahay liicin abid gu' iyo jilaal midhaa guudkayga yaaloo hoobaanbaa laga gurta hadhkaygaa lagu gam'aa jacaylkana lagu gartaa qaalmaha geelee gu' dhala haday magac guud simaan gaawaha lagu soo lisiyo hadhuubkaa lagu gartaa gabnada maqasheed gobtiyo gob deeqda ma gaynada ah sidbaa marti loo godlaa gorofka midna looma culo
Queue is empty
-- / --