dhibaan male kalgacal
hadaan laba wadaagtaa
lugooyada ka dhawrayn

laydheedu ima marine
lahashada ku sidatee
lubigaagu nugulaa

laabtaydu samirkii
liibaan ku waydee
hadaan nafta loodin laa
cishqi igu laxaadsaday
saw iguma kaa ladhin

dhookhaad meel u laadahay
haygula dul liicine
laaska calafka soo qodo

inagoo lamaaniyo
ladnaantenii diiidee
ma markaan libdhee
luxud aan galaa
ladaneey wax i qaban

laaca dumarka baratee
yaanu wakhtigu kaa lumin
in ku leeg arlada soco

Exit mobile version