Hadaan lubigayga
Jacayl ku likaysan
Laabtayda nuglaatay
Lurtaadu hadhaynin
Ase labxadayda
Dareenku lulaynin
Lahiima bogayga
Labeen kasamaysan
Miyaan laqantooyo
Laliido lahaa
Hadaan lahankaagu
Lagayga rikaysan
Libkaaga hasiinin
Ladhkiisu kacaynin
Ama labacayga
Haraadku labaynin
Ladaadyo baxadayda
Laxiif ka samaysan
Miyaan laqantooyo
Laliido lahaa

Exit mobile version