VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maxaan u adkeestay - Lyrics

Maxaan u adkaystay dhaawac Maxaan la rafiiqay urug Adoo ii ogsoon dhibkayga Maxaad igu dhaaftay eebo Anoo helistaa rajeeya Maxaad igu tidhi odhaaho Uurkayga ku reeba boogo Oo xiskaygu ilaawin maalin Qudhaad u oydo haatan Marbaad u ahayd badhaadhe Miyay eed qabtaa jacayl Dareenka waqtaa idleeyay Intaan kugu eegay dhaawac Anoo kuu gaystay eebo Anaa maantana is keenay Aduunkana kuugu jecel Insaanku gaf uu galaaye Intaad tagtada iska dhaafto Maantaba arinkeena ka tali Oo adoon hibashada ku raagin Intaad raali iga ahaato Ilduufku marbuu dhacaaye Maantaba ila kori jacaylka Adaan ifka kuu jecelehe
Queue is empty
-- / --