VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nabsiga iyo ayaankoo - Lyrics

Haduu nugulku doogsaday Rahuna nawda doon guray Haduu haduu nugulku doogsaday Rahuna nawda doon guray Naf yaruu wax quudhsadey Naf yaruu wax quudhsadey Raganimoy ninkaagii Nacasinimo maxaa baday Raganimoy ninkaagii Nacasinimo maxaa baday Nasrigiyo ayaankoow Xageebaad ku nooshihiin Nasrigiyo ayaankoow Xageebaad ku nooshihiin Hadii aan ku naawilay Hadii aan ku naawilay Ha ii gabin nasiiboo 2x Alla ileen jacaylku waa nabar Waa nudub calooleed Oon lagama nuuxsado Allahayoow na nabad gali Nafta iyo naruurada Nimcadaada nagu dhowr Aduun la isu noolyahay Naruurada dhiigeen qabo Aduun aduun la isu noolyahay Naruurada dhiigeen qabo Naxli inaan ku sii bado Naxli inaan ku sii bado Adoo noosan caashaqa Markan hibasho nuuxsado Naftu wey igu diidaa Nabad iyo nas iga gaadh Hadii aan ku naawilay Hadii aan ku naawilay Ha ii gabin nasiiboo 2x Alla ileen jacaylku waa nabar Waa nudub calooleed Oon lagama nuuxsado Allahayoow na nabad gali Nafta iyo naruurada Nimcadaada nagu dhowr
Queue is empty
-- / --