markuu rartay dookhu
ruuxdaydiyo maanka
wiiloow rabitaanka
naftaa kugu reentay
markaan isku raacnay
ra,yiga kalgacaulka
runbuu qalbigaygu
xurmada u riyaaqay
raaskaynu jacaylka
rugtiisa ku taagnay
waxaan raxmaysta
ogoow kaga raystay
rafaadka aduunka

markuu i ragaadshay
xubiga rarankiisa
adaan kaga roorin
qudhii ku rajaysay
markaan isku roooni
rafiiq ku ahaanay
rasmuu wadnahayga
u ruubay jacaylku
raaskaynu jacaylka
rugtiisa ku taagnay
waxaan raxmaysta
ogoow kaga raystay
rafaadka aduunka

Exit mobile version