Heesta Sifada calanka – Somaliland - Lyrics
Calan keena wacanee
Towxiid lagu carifayee
Siduu yahay cad ceed
Subax nuurka nagu
Cadeeyee X2
Cawadiyo ayaan kale
Caadilkii nasiiyaan
Mahad badan u celinaa
X2
Calan yahow wanagsani
Caabiriin dhamaan tood
Cidii aragta muuqa cabsi
Iyo xishood baad cindigoda
Galisaa X2
Ishii cowri kulul iyo cadow
Uurka kaa neceb ceeb iyo
Dhib kula jecel alaa caabiyaa
Jiree isagaan cuskanaynaa
X2
Abidkaa cirkaa joog ku
Ciyaar hawada sare ciida
Hoose ha udagin cadowgaa
Ma ciil baxo X2
Calan keena midabada
Kala caynba cayna casaan
Ka iyo doogada badhka kale
Cadaan yahay X2
Cilmi baa ku duugane
Cashar maad ka barataan
Cisi maad ku sugataan X2
Casaan wuxuu tilmaamaa
Marka cadow damaaciya
Ciida quudareeyee isyiraa
Cagaha saar in dadkiisu
Caabiyo X2
Inaan laga cab soonoo
Ciida dhiiga loo qubo
Curadadu shahiidaan
Calafgo'o cadaawuhu
Waa caadadiisee X2
Abidkaa cirkaa joog ku
Ciyaar hawada sare ciida
Hoose ha udagin cadowga
Ma ciil baxo X2
Cadaan wuxuu tilmama
Nabad caano shubatoo
Calool caafimaad iyo
Samo lagu caweeyoo
X2
Colaad aan warkeed jirin
Caruurtuna garoomada
Ku ciyaarayaan nabad
X2
Doogu waa cawiyo khayr
Caradoo barwaaqa ah
Cal calyada xareedii
Ceelyadu xarfanayaan
Cagaarka iyo doogii X2
Caleentiyo mankii baxay
Cuudka loodareershoo
Caano lagaga maalaa
Markay curatay maan
Deeq soo cuganay
Gorofkii X2
Abidkaa cirkaa joog ku
Ciyaar hawada sare ciida
Hoose ha udagin cadowga
Ma ciil baxo X2
Caano keentay godolkii
Ciid loo dabaal dagay
Car carkii candhada gubay
Cabaadkiyo xanuunkii
X2
Caano celisay cararkii
Aji xidig madoweey ala
Maad ujoogtaan X2
Dib u curashadeedii
Inta curashaheediyo
Wixii cuud ku baa ba'ay
Aji xidig madooweey alla
Maad ujoogtaan X2
Calanyahow wanaagsani
Alow cadow ku maagiyo
Wax ku ciila kaahay casiis
Keen xijaabada haku dayro
Cidhif yada X2
Abidkaa cirkaa joog ku
Ciyaar hawada sare ciida
Hoose ha udagin cadowgaa
Ma ciil baxo X2